Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil saaka ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Isgoyska Towfiiq, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilka ka dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari dadweynaha raacaan iyo mid kale oo nooca iska rogaha ah ee lagu qaado dhagxaanta, xili ay iskaga horyimideen Isgoyska Towfiiq.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, halka saddex qof kalena dhaawac uu soo gaaray shilka, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay Xarun Caafimaad, waxaana dhammaantood dadka waxyeelada gaartay la sheegay inay heysteen gaariga BL-ka ahaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa ilaalada waddooyinka ee Taraakifada ayaa durbo goobta gaaray, iyagoona sameeyay baaritaano ku aadan qaabka uu shilku u dhacay, isla markaana goobta ka jiiday gaariga BL-ka.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka u kaxeeya xawaare sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor