Faah faahin kasoo baxeysa Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Qarax xoog leh oo jugtiisa Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay meel ku dhow Xarunta degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qaraxiyay Maqaayad shaaxa lagu cabo oo ku taalla xaafadda saddexda geed ee Shangaani.

Dad goobta ku sugan oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa la sheegay in halkaas ay ka qaadeen Meydad iyo dad qaba dhaawacyo, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona gaadiidka iyo dadka u diidaya inay goobta ka Agdhawaan, waxaana sidoo kalena ay wadaan baaritaano.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaa weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Xarunta degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor