Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Baraawe

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo xalay ka dhacay tuulo lagu magacaabo Ambareyso oo 5 KM u jirta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay oo uu ka dhacay xero ay degan yihiin Rag Macwiisley ah oo ku dhow Saldhiga weyn ee Ciidamada AMISOM ee Baraawe, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo oo gaaray Askar Ciidan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ahna isku duwaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ku sugnaa meel ku dhow xerada Macwiisleyda.

Sidoo kale Aadan Cumar ayaa tilmaamay in marnaba aysan niyad jebin doonin weerarada iyo qaraxyada miino ee dagaalamayaasha Al-shabaab la eegtaan Ciidankooda, wuxuuna sheegay inay  la dagaalami doonaa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo tuulada Ambareyso oo 5 KM u jirta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xaaladda saaka ay tahay mid degan, kadib qaraxii halkaas ka dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor