Faah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo dishay Muwaadin Soomaaliyeed

Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cumar Caddow Gaabow, waxaana dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore ee goob ganacsi oo uu ku lahaa deegaanka Khayelitsh ee Magalada Cape-Town.

Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in burcad kale oo madow ah ay isla goobta ku dileen Muwaadin kale oo Itoobiyaan ah, halka mid kalena dhaawac loo geystay, waxaana markii dambe halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2021 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor