Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan kooxo ku hubeysnaa Bastoolad oo duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dad ayaa ku warramay in dilka loo geystay Askariga uu ka dhacay tabeelaha, waxaana la sheegay inuu Askariga u geeriyooday xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, xili uu ku sugnaa halkaas.
Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg uga baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halka uu dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo qaaday Meydka Askariga dowladda.
Al-shabaab oo ka hadashay dilkaas ka dhacay tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa magaca Askariga la toogtay ku gaabisay Asad, iyagoona sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Booliska.
Habeen hore ayey aheyd markii rag ku hubeysnaa Bastoolado ay xaafadda Burka Diikow ee degmada Kaaraan ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga dowladda, waxaana falkaas Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.