Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Degmada Afgooye

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa laba ruux oo shacab ah waxaa uu xalay fiidkii hore uu ku dilay gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in dilka loo geystay labada Ruux ee shacabka ahaa uu sigaar uga dhacay halka loo yaqaano Baar Ismaaciil oo ay ku sugnaayeen dadka la dilay.

Dilka labada ruux oo mid Haweeney ay tahay ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii uu muran soo kala dhex-galay Askariga iyo labada Marxuum, iyagoo ugu dambeyn rasaas uu ku furay ay u geeriyoodeen.

Intaas kadib Askariga dowladda ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib goobta laga qaaday Meydadka labada Ruux, waxaana falkaas ka naxay dadkii goobta ka Agdhawaa.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal bareer ah oo Askarta dowladda ay u geystaan dadka shacabka iyo kuwo ay geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Basrtoolado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media