Faah faahin kasoo baxeysa Dil Galabta ka dhacay Magaalada Guriceel

Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduug ayaa waxaa ay sheegayaan in Galabta gudaha Magaaladaas lagu dilay Wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka oo aad looga yaqaanay Guriceel.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug oo howlgal ka waday Magaalada Guriceel ayaa rasaas ku furay wiilka dhallinyarada ahaa oo lagu magacaabi jiray Saciid Cismaan Gabeyre, kaasi oo dadka u yaqaaneen Afar daqiiqo.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada ayaa Meydka Saciid Gabeyre ka qaaday goobta lagu dilay, waxaana dilka loo geystay Gabeyre ka naxay qoyskiisa, Ehelka iyo dadka deegaanka.

Marxuum Saciid Cismaan Gabeyre oo loo yaqaanay Afar daqiiqo ayaa caan ka ahaa baraha Bulshada, isagoona wax ku qori jiray barta uu ku lahaa Facebook, isla markaana ku dhaliili jiray Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor