Faah faahin kasoo baxeysa Dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay degaanka Baxdo

Waxaa degan xaaladda degaanka Baxdo ee bariga Gobolka Galgaduud oo arroornimadii hore ee saaka weerar xoogan ku qaadeen Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Galmudug, dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa inta uu socday la isku adeegsanayey hubka noocyadiisab kala duwan, isla markaana waxaa dagaalka uu qaatay saacado oo dhinacyada ku dagaalamayeen gudaha degaanka Baxdo iyo duleedka, wallow markii dambe dagaalka uu istaagay.

Qaar kamid ah maleeshiyaadka deegaanka ee ka qeyb qaatay dagaalkii saaka dhacay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Al-shabaab ay weerar dhowr jiho kusoo qaadeen Baxdo, hayeeshee dagaal kadib ay ka baxeen degaanka, ayna xaaladda degan tahay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray Ciidanka Maamulka Galmudug, maleeshiyaad degaanka oo is abaabulay iyo Al-shabaab, in kastoo aan si rasmi ah loo caddeyn inta uu la egyahay khasaaraha dagaalkaas dhacay.

Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka ayaan weli ka hadlin weerarkii iyo dagaalkii saakay oo Jimco ah ka dhacay degaanka Baxdo ee bariga Gobolka Galgaduud, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee la helayo sheegayaan in xaaladda degaanka ay degan tahay.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale weeraro ugu qaadeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor