Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa 14-ka Oktoober iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa galabdhicii galabta ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalkii dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka 14-ka Oktoober ee dowladda Federaalka ku leeyihiin gudaha Marka, waxaana dhacay dagaal daqiiqado socday.

Rasaasta ay isdhaafsanayeen labada dhinac inta uu socday dagaalka ayaa laga maqlayey xaafaddaha Magaalada, wallow markii dambe dagaalka uu istaagay, isla markaana xaaladda Marka si caadi ah ku soo noqotay, kadib dagaalka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarka Al-shabaab ay kusoo qaadeen Saldhiga 14-ka Oktoober, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Marka iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan oo ay uga hadlayaan dagaalka.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay weeraro dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac ugu qaadeen Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor