Faah faahin kasoo baxeysa Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Qarax lagu dilay

Qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa gabaldhicii Galabta ka dhacay deegaan hoostega Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah qaraxaas dhacay.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu ka dhacay Bar Koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ambareyso oo 5 KM u jira Magaalada Baraawe.

Inta la xaqiijiyay saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxa oo ahaa mid xoogan oo jugtiisa la maqlay, waxaana ku dhaawacmay hal Askari oo dhaawac halis ah uu gaaray, kaasi oo loolala cararay Xarun Caafimaad.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Baraawe ayaa ku baxay goobta uu qaraxaas ka dhacay, iyagoo halkaas ka daad gureeyey meydadka iyo dhaawacyada askarta waxyeelodu soo gaartay.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujiyay in gebi ahaan dhismaha Barta koontarool ee Ciidanka la qarxiyey ku lahaayeen deegaanka Ambareyso ay burburtay, isla markaana waxaa la arkayay dhismaha uu gebi ahaan dumay..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor