Faah faahin kasoo baxeysa Burcad hubeysan oo dishay Muwaadin Soomaaliyeed

Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool dalka Koonfur Afrika ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa Rag hubeysan oo burcad ah ku dileen degaan hoostega Magaalada Pretoria ee dalkaas.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Mahad Raage Aadan, waxaana raggii hubeysnaa oo madow ah ay ku toogteen Muwaadinka, xili uu ku sugnaa degaanka Mamelodi  oo hootega Magaalada Pretoria.

Qaar kamid ah Muwaadiniin Soomaali ah oo ka Agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa Meydka Marxuum Mahad Raage ka qaaday halka uu falka ka dhacay, iyadoona halkaas ay ka baxsadeen raggii ka dambeeyay dilka.

Habeen hore ayey markii Muwaadin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Axmed iyo Gabar Koonfur Afrikaan ah oo Shaqaale u aheyd lagu dilay deegaanka Ga-Mawa Block 7 oo 57,2 KM  u jira Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo ee dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal dilal iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xirtay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor