Faah faahin kasoo baxeysa Askari toogtay Nin hubeysan oo dil ugu geysan rabay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ku toogtay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo dil damacsanaa.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Ninkii hubeysnaa ee la dilay uu markii hore isku dayey inuu dil u geysto Askariga iyo Nin shacab ah oo la socday, waxaana Ninka uu rasaas ku furay Askariga Nabadsugida oo dhaawac soo gaaray falkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga uu dhulka ku dhacay, kadibna uu Ninkii hubeysnaa damcay inuu qori uu Askariga watay ka qaato, hayeeshee Askariga oo dhaawac ah ayaa rasaas Madaxa kaga dhuftay Ninka oo dubadii goobta ku dhintay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa gaaray goobta falku ka dhacay oo aheyd meel ku dhow Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ee Baardheere, iyagoona halkaas ka qaaday dhaawaca Askariga iyo Meydka.

Magaalada Baardheere ayaa waxa dhowr jeer oo horey ka dhacay dilal qorsheysan oo geysteen dabley hubeysan, sidoo kalena ay ka dhaceen weeraro dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Magaaladaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor