Faah faahin kasoo baxeysa Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Qarax lala eegtay

Qarax xoogan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa barqanimadii Maanta uu ka dhacay deegaanka Sabiid oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday Mooto nuuca Soomaalida u taqaano laba lugaaleyda ah oo ay saarnaayeen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, kuwaasi oo la sheegay inay kusii jeedeen degaanka Sabiid, hayeeshee uu dhex ku qabsaday qaraxa.

Hal qof oo shacab ah ayaa lagu soo warramay inuu ku dhintay qaraxa, halka Askari kamid ahaa Ciidanka dowladda ee la qarxiyey uu dhaawac soo gaaray, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo soo qaaday dhaawaca iyo Meydka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabagal ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, iyagoona qaraxyada khasaaro uu kasoo gaaro Ciidanka.

Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu yahay Gobolka ugu amniga xun Koonfur Galbeed, waxaana dhowr mar ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah, kuwaasi oo intooda badan dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor