Faah faahin kasoo baxeysa Al-shabaab oo weerar Jid-gal ku dilay Saraakiil Kenyaan ah

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Al-shabaab oo weerar dhabba-gal ah ku qaaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Kenya, waxaana weerarkaas uu ka dhacay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarka kula beegsaday gaari nuuca xamuulka qaada ah oo ay saarnaayeen ciidamada Kenya, xili uu marayey deegaanka Bambo ee Magaalada Mandheera, sida sheegtay Warbaahinta Maxaliga ee Kenya.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay oo soo gaaray Ciidanka lala beegsaday weerarka, waxaana goobta ku geeriyooday laba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya, halka 10 kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Gaariga ay saarnaayeen Ciidanka Booliska ee la weeraray ayaa kusii jeeday Magaalada Mandheera, isla markaana waxaa uu ka baxay degaanka Rhamu, kaasi oo waday raashin loogu tala-galay Ciidanka Booliska ee ku sugna degaankaas.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in weerarka kadib, dadka deegaanka Bambo ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo loo mareynayo inay isdhaafsadeen Ciidanka Kenya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ugu qaadeen Kolonyo ayla socdeen Ciidanka Kenya oo socdaalo ku marayey degaano ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor