Faah-faahin kaso baxaysa Gabar dhalinyaro aheyd oo lagu dilay Muqdisho

Wararka ay helayso Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay degamada Hodo nee gobolka Banaadir lagu dilay Gabar dhalinyaro aheyd xilli ay saarneyd Mooto Bajaaj.

Dilkaan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada dowladda rasaas uu ku furay Mootada ay saarneyd xilli ay maraysay Wershaddii hore ee caanaha kuna taalla degmada Hodo nee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka kadib askrigu uu gobta iskaga baxsaday iyada oo ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo fariisin ku lahaa goobta Meydka gabadhana gobta ka qaaday.

Gabadha dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi C/llahi iyada oo warraku ay sheegayaan in xilligaas ay ka timid goob dumara lagu qurxiyo o ay iyadu laheyd hoygeedan ay kusii jeedday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media