Faah faahin:-Ganacsade lagu dilay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay fiidkii Xaafad ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Ganacsade Caan ka ah dalka.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dilka loo geystay Ninka Ganacsadaha ahaa uu ka dhacay xaafada Sei-biano ee Hodan, kaasi oo rag dhalinyaro oo watay Bastoolado ay dhowr rasaas kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Marxuumka marka hore ragga hubeysan ay ku amreen in uu u soo dhiibo Mobile uu watay, hayeeshee uu ka dhago adeegay, sidaasina lagu dilay, iyagoona goobta ka baxsaday, sidoo kalena hore u sii qaatay Mobile-ka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye (Cali Barkhadle), waxaana la sheegay inuu ahaa Ganacsade dalka keena baabuurta, iyadoo goobta uu falka ka dhacay daqiiqado kadib ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya .

Ciidamada iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa Meydka ka soo qaaday goobta, waxaana intaas kadib Ciidanka la sheegay inay bilaabeen howlgal lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dilka Cali Barkhadle.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah dadka loogu geystaan dhac, iyadoona rag hubeysan oo burcad ah ay dadka ka qaataan waxyaabaha ay wataan, waxaana mararka qaarkood dhacdo in qof la dilo, kadina dhac loo geysto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media