Faah faahin:-Gabar kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Hargeysa

Waxaa gudaha Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay gabar kamid aheyd dadka deegaanka xaafad ka tirsan Magaaladaas, waxaana falkaas laga helayaa faah faahino.

Gabadha la kufsaday kadibna la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, iyadoona la sheegay in falkaas dhibaatada ay u geysteen Nin darawal ka ah gaari nooca dadweynaha racaan ee Baska iyo Nin kale oo Kirishboy ah.

Qoyska Marxuumad Hinda Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Meydka marka hore lagu sameeyay baaritaan, kadibna la ogaaday in inta aan la dilin la kufsaday, sidaasina lagu dilay gabadha.

Hinda dumashideed ayaa Carabka ku dhufatay in lagu soo wargeliyay dhimashada gabadhooda, sidoo kalena dhibaatada dhacday ay u caddeeyeen khaqaatiir, iyagoona Somaliland ka dalbaday in cadaalada la horkeeyo dadkii falkii dhacay ka dambeeyay.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan kufsiga iyo dilka loo geystay Marxuumad Hinda Cumar, waxaana la sheegay inay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo dadkii geystay falkaas foosha xun.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor