Faah faahin:-Gaari ay saarnaayeen Ciyaartoy oo Qarax lagula beegsaday Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa kasooo baxaya Qarax miino ah oo goordhweyd ka dhacay Magaalada Kismaaho ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana kasoo baxaya faahino dheeraad ah, kaasi lala beegsaday gaari Bas ah oo ay Ciyaartooy la socdeen.

Wararka waxay sheegayaan in Baska ay la socdeen ciyaartoyda kooxda lagu magacaabo JCCI ee Kismaayo ka dhisan.

Wararka qaar waxay sheegayaan in gaariga uu gubtay ayna jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, waxaana wararku intaas ku darayaan in ay dhinteen Afar Cayaartooy oo ka tirsan Naadiga la qarxiyay ee Ciyaartoydeedu Gaariga la socdeen.

Sidoo kale wararku waxaa ay tilmaamayaan in ay jiraan dhaawacyo badan oo ka dhashay qaraxaasi, iyadoo lagu dayrinayo xaaladda Caafimaad ee dhalinyaradaasi ku dhaawacmay Qaraxaasi oo ahaa miino gaariga lagu xiray.

Gaariga siday ciyaartoyda wuxuu ku sii jeeday garoonka kubadda cagta halkaas oo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland uu ka daah furi lahaa galabta tartan u dhexeeya kooxaha magaalada oo ku saabsanaa isdhexgalka bulshada.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor