Faah faahin:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Maanta  Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dilkan uu ka dhacay bartamaha laamiga,isla markaana waxaa Askarigaas falka u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo xiligas ku sugnaa meel aan sidaas u fogeyn,iyagoona goobta ka qaaday Meydka Askariga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaaan ragga ku hubeysan Bastooladaha,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media