Faah faahin:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhow Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya faah faahin.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Marxuumka inta uusan dhicin falka dilka ah uu soo kala dhexgalay muran kooban, hayeeshee markii dambe uu Askariga ku furay rasaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninka la dilay uu ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayadda Caan ah ee Zaytuuni Restaurant oo Xarumo kala duwan ku leh gudaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Askarigii ka tirsanaa Ciidanka dowladda ee dilka geystay uu goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halkaas laga qaaday Meydka ruux la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ay dilal bareer ugu geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, ayna ku jireen Darawalo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media