Faah faahin:-Dil ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bastoolada ayaa deegaanka Ceelesha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in rag dhalinyaro ay dileen Askarta xili ay halkaas ku sugnaayeen, iyagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii dilka geystay goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana halkaas gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada, kuwaasi oo goobta ka qaaday Meyadka Askarta.

Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qosrhesan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media