Faah faahin:-Dil Caawa ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Kadib Salaadii Maqrib ee Caawa ayaa rag hubeysan waxa ay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Isgoyska Bakaaraha waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa wax ay sheegeen in Rag bustoolado ku hubeysnaa ay toogteen Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Guutada 14-ka Octoober,isla markaana ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka toirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo aan ka fogen goobta uu dilka ka dhacay ayaa gaaray,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka askarigii la dilay,waxana sidoo kale ay sameeyeen howlgallo aan dad lagu qaban.

Inta badna degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor