Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Galmudug, kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Ahlusunna Waljameeca ayaa waxaa uu saaka ka socdaa xaafaddo ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Dagaalkaan oo bilowday arroornimadii hore ee saaka oo Jimco ah ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Dhuusamareeb gudaha ay u galeen Ciidanka Ahlusunna, isla markaana lagu arkay Xaafadaha Waaberi iyo Waxarcade ee Magaaladaas.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weli la maqlayo rasaas goos-goos ah oo Ciidamada dagaalamaya ay isdhaafsanayaan, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan la cadeyn khasaaraha jira.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa inta badan xarumaha muhiimka ah iyo dabaqyada Magaalada saaran, halkaas oo ay ka dagaalamayaan, halka kuwo Ahlusunna ay ku sugan yihiin xaafaddaha Waaberi iyo Waxarcade.
Saraakiisha Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, waxaana Saraakiil u hadlay labada dhinac ay sheegteen inay qeybo kamid ah Magaalada kala qabsadeen, iyagoona Galmudug xustay inay weerar kusoo qaadeen Ahlusunna.
Dadka degan Magaalada Dhuusamareeb ayaa bilaabay inay isaga barakacaan Magaalada, maadaama xiisad dagaal ay jirto, isla markaana ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu sii xoogeysto, ayna suura-gal tahay in waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu kusoo beegmay, iyada oo dhammaan Madaxda Maamulka Galmudug ay ku sugan yihiin Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isla markaana ay uga qeyb galayaa doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa.