Faah faahin:-Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Goboka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen xiligii Saxuurta fariisimo Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Teerage oo ku yaalla duleedka Gaalkacyo.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalkaas uu socday in ka badan laba saacadood oo xiriir ah, isla markaana ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Teerage, waxaana halkaas ku geeriyooday 5 ruux, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug  oo ay uga hadlayaan dagaalkii Khasaaraha geystay ee ka dhacay duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media