Faah faahin:-Dagaal ka dhacay Dhuusamareeb iyo Askar ku dhimatay

Wararka aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku warramaya in caawa halkaasi uu k dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, waxaaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagaalkasi.

Dagaalka ayaa dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Ciidanka Dowladda, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ka dambeeyay, kadib markii ay is rasaaseyeen Ciidan ku sugnaa bar Koontorool iyo Ciidan kale, waxaana dagaalkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Seddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxaana wararku intaas ku darayaan in uu jiro dhaawac intaas ka badan oo soo kala gaaray labada Ciidan ee is dagaalay.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay lamaha ammaanka iyo Saraakiisha Ciidanka, mana la shacin sababta ka dambeysay in labada Ciidan Is dagaalaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Caawa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyne Qoorqoor iyo Mas’uuliyiin kale.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media