Faah faahin:-Dagaal dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Al-shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Banka Jiira oo hoostaga Dagmaada Afmadow, waxaana uu yimid dagaalkaas sida, kadib markii Ciidanka Jubbaland ay weerar ku qaadeen Goob ay Al-shabaab kaga sugnaayeen deegaankaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal kooban ay la galeen xubno kamid ah Al-shabaab, isla markaana Khasaaro ay ku gaarsiiyeen, in kastoo aysan cadeeyn inta uu la egyahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamada Jubbaland ay saakay dhaq-dhaqaayo Ciidan ka wadaan deegaano hoostaga Degmada Afmadow, iyagoona doonaya inay la wareegaan deegaano ka tirsan halkaas.

Maanta waxaa lagu wadaa in deegaankii shalay howlgalka laga fuliyay uu gaaro Taaliyaha Ciidamaada amniga ee Dagmaada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, isagoo halkaas kula hadli doona Warbaahinta.

Si kastaba Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab ayaa dhowr waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaeray dagaalo xoogan oo geystay Khasaarooyin kala duwan, iyadoo Maamulkaas uu doonayo inuu gacanta ku dhigo deegaano dhowr ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media