Faah faahin:- Dad shacab ah oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal siyaabo kala duwan uga dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo loo gaystay dad shacab ah, sida ay ku  warramayaan dadka degaanka.

Wararka aynu ka helayno Degaanka Waradheer ayaa ku warramaya in halkaasi lagu dilay Wiil Iyo Aabihiis, waxaana la sheegay in labada marxuum ee la dilay ay ahaayeen dad reer guuraa ah oo ku sugnaa degaankaasi, sida ay tibaaxayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya.

Dablay hubaysan oo malleyshiyo beeleed ah ayaa dilka fuliyay sida la sheegay, waxaana dilka loo gaystay labada ruux uu salka ku hayaan aanooyin qabiil sida ay inoo sheegeen dadka degaanku.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in degaan kale oo ka ag-dhow halka falku ka dhacay lagu dilay qof kale oo shacab ah,  waxaana dilkaasi uu si gaar ah uga dhacay degaan lagu magacaabo Buuskut oo u dhaw degaanka Ilguulle.

Dhammaan dilalkaasi ayaa lasoo sheegayaa  in ay yihiin kuwo salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana tiro jeer ah halkaasi lagu dilay dad shacab ah oo reer Guuraa ah.

Degaanada dilalku ka dhaceen ayaa hoostaga Degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan, taasi oo dhawaan dagaalmayaasha Al-shabaab  ay la wareegeen, inkastoo ugu dambeyntii ay isaga baxeen, waxaana wali jirin wax war ah oo kasoo baxay Maamulka hirshabeelle oo ay kaga hadlayaan dadka shacabka ah ee isku dilay Gobolkaasi.