Faah faahin: Dad shacab ah oo ku geeriyooday Qarax qabsaday Mooto ay saarnaayeen

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa saakay waxaa uu ka dhacay degaanka Buula Xaaji ee galbeedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana qaraxaas kasoo baxaya faah faahino.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxa miinada ee dhulka la geliyay ay qabsatay Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ahaa, isla markaana Mootada biyo ugu dhaansanayeen xoolo ay leeyihiin.

Ugu yaraan afar Wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay deegaanka Buula Xaaji ee galbeedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo la sheegay in xiligii qaraxu haleeyay ay wateen biyo ay kasoo qaateen Ceel-biyood.

Qaraxa khasaaraha geystay ee ka dhacay Buula Xaaji ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo saakay deegaankaas ay la wareegeen Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa DANAB.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa DANAB ee dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan degaanka Buula Xaaji ee galbeedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, balse ay la qabsadeen Ciidamada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor