Faah faahin:-Dad ku dhintay Roobab dabeylo wata oo ka da’ay Jubbada Hoose

Roobab xoogan oo dabeylo wata ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaas, waxaana roobabka ka dhashay khasaaro nafeed.

Roobka oo da’ayay saacado xiriir ah ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Kismaayo iyo deegaanada xeebta, waxaana soo dumay Guryo ku yaalla qeyb kamid ah xaafadda cananley ee Magaaladaas oo degan yihiin qoysas danyar ah.

Wasiir ku-xigeenka kalluumeysiga dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in roobab dabeylo watay ay ka da’een Kismaayo iyo deegaano kale oo ku teedsan xeebta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in laba qof oo kalluumeysato ah ku geeriyoodeen badda, kadib markii ay la degtay Doon ay saarnayeen, halka saddex kalena laga soo badbaadiyey, kuwaasi oo badda dabeylo ku kicisay.

Sidoo kale Maxamed Cumar ayaa Carabka ku dhuftay inay jirto cabsi xoogan oo ay dareemayaan dadka kunool dhulka xeebta ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana ay jiraan guryo dhowr ah oo ku dumay dabeysha roobabka, isagoo dadka ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan.

Wasiir ku-xigeenka kalluumeysiga Jubbaland ayaa Digniin u diray kalluumeysatada, wuxuuna sheegay in ciddii aada Badda xiligaan ay ka qaadi doonan tallaabo sharci ah, maadaama ay da’ayaan roobab dabeylo wata, laguna jiro bad xiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor