Faah faahin:  Dad ku dhintay qarax ka dhacay Yemen

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen halka soddon kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay bakhaar la dhigo hubka.

Qaraxa ayaa sababay in dhismo labo dabaq ahaa uu burburo balse shaqaalaha gurmadka ayaa ku guuleystay in qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday qaraxa ay kasoo saaraan burburka.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay qaraxa.

Xabbad joojin laba bilood ah oo dalka oo dhan ka dhaqangashay oo lagu soo joojinayo dagaalka dabo dheeraday ee Yemen ee u dhexeeya fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto iyo xoogagga dawladda ee Sucuudigu hoggaamiyo ayaa lagu wadaa inay sii socoto illaa horraanta bisha soo socota.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor