Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Gaari nooca xamuulka qaado ah oo Caawa dad badan ku jiiray Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warqabadka Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in gaariga uu marka hore ku socday xawaare uuna ka xakameeyn waayay Darawalkii waday, sidaasina uu ku fariisin goostay.
Sidoo kale Gaarigaas ayaa uu dul-maray dad badan oo shacab ah oo qaarkood saarnaa Mooto Bajaajyo ku sugnaa Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana xiliga uu gaariga fariin goosanayay wadada ay aheyd mid uu ka jiray Mashquul xoogan.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa lasoo sheegayaa inay ku geeriyoodeen goobta, halka dad kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen, waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, iyagoona wadada xiray.
Wararka ayaa intaas kusii daraya xaaladda ka jirta Goobta ay tahay mid naxdin leh, maadaama dadka qaarkood si xun u waxyeeleeyay gaariga, kaasi oo si xawaare ku socday.