Faah faahin:-Dab baabi’iyay Guryo ku yaalla Degmo ka tirsan G/Banaadir

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo saakay ka kacay Guryo ku yaalla degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Dabkaas ayaa markii horey ka kacay hal Guri, isla markaana waxaa uu kusii faafay Guri kale oo ku deganaa oo ku yaallay meel ku dhow Madaxtooyada, kaasi oo socday muddo ku dhow saacad, wallow markii dambe la demiyay.

Gaadiidka dab demiska maamulka Gobolka Banaadir oo tegay goobta ayaa ku guuleystay inay demiyaan dabkaas oo ahaa mid xoogan oo geystay khasaaro hantiyadeed oo badan.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dabkaas uusan geysan khasaaro nafeed, hayeeshee uu baabi’iyay laba Guri oo ay deganaayeen 5 qoys, iyadoona labada Guri ee baaba’ay ay ka koob-naayeen 7 qol, kuwaasi oo gabi ahaan gubtay.

Dabkaas ayaa ka dhashay koronto ku jirtay gurigii marka horey uu dabkaas ka kacay, waxaana halkaas isaga cararay Qoysaskii deganaa oo heystay Caruur yaryar, iyagoona sheegay in aanay heysan Guri ay degaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo badanayay dababka kacaya, waxaana xusid mudan in habeeno kahor Suuqa weyn ee degmada Wadajir uu inta gubtay , kadib markii uu ka kacay dab xoogan oo saacado socday.