Faah faahin:-Ciidanka Haramcad iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Muqdisho 

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal muddo ku dhow saacad socday oo habeenkii xalay aheyd Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray qeyb kamid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Isgoyska Ex-koontarool Balcad ee Muqdisho, waxaana inta uu socday dagaalka Ciidanka Booliska iyo Al-shabaab ay dadka maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo la isku adeegsanayay.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo Bar koontarool ku leh wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo ay ka socoto dhismo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Haramcad oo ka hadlay dagaalkii xalay dhacay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha dagaalkii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, wallow Taliska Booliska Haramcad ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen xubnihii la dagaalamay.

Si kastaba wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda dhismo ballaaran oo lagu sameeynayo wadadaas, isla markaana waxaa Injineerada ku howlan dhismaha Jidka, amnigooda ku sugaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ee dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor