Faah faahin: Ciidamo ka tirsan DANAB oo Qarax lala beegsaday iyo khasaaro ka dhashay

Qarax miino nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa saaka kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB ee dowladda Soomaaliya lagula eegtay inta u dhexeeysa degaanka Ceel-dheere iyo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa lala eegtay Ciidanka DANAB uu ka dhashay khasaaro soo gaaray Ciidanka oo kusii jeeday degaanka Ceel-dheere ee Gobolka Galgaduud oo dhowr jeer qabsadeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay ilaa seddex Askari oo ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee DANAB ee dowladda Federaalka ayaa dhaawacyo kasoo gaaray Miinadaasi, kuwaas oo la gaarsiiyey Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

Kolonyada gaadiidka  ay wateen Ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya ayaa kusii jeeday dhanka degaanka Ceel-dheere oo ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug.

Al-shabaab ayaa marar duwan waxaa ay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ay qaraxyo miino geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac kula eegteen kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo dagaal ku jira Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor