Faah faahin: Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lala eegtay Qarax khasaaro dhaliyey

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo saacadihii lasoo dhaafay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Qaraxaas miinada ayaa waxaa Gaariga Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Burundi lagula beegsaday wadada xiriirisa degmooyinka Magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay, xili halkaas ay socdaal ku marayeen Ciidanka la qarxiyey.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ku geeriyooday laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Burundi, halka kuwo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay inay ku dishay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMIOSM, kuwaasi oo saarnaa gaari socdaal ku marayey inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay qaraxyo miinooyin dhulka la geliyay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM, waxaana inta badan qaraxyadaas AMISOM kasoo gaaray Ciidankooda khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor