Faah faahin:-Carruur ku geeriyootay Dab ka kacay Guri ay ku sugnaayeen

Laba Carruur ah ayaa habeenkii xalay aheyd ku geeriyootay Dab xoogan oo ka kacay Guri ay degnaayeen oo ku yaalla xaafad lagu magacaabo Daami oo ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Dad ku sugan xaafadda Daami aya waxaa ay sheegeen in dabkaas uu socday dhowr daqiiqo, isla markaana carruurtaas ku dhinteen oo da’doodu kala aheyd 6 jir iyo Afar jir, halka laba Carruur kalena laga soo badbaadiyay dabka.

Ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa goor dambe gaaray goobta uu dabka ka kacay, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka laba Carruur ee ku geeriyootay, iyagoona sheegay inay ku guuleysteen deminta dabkaas oo ahaa mid xoogan.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan sababta keentay in dabkaas uu ka kaco Guri ay ku sugnaayeen Carruurta oo ku yaalla xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor