Faah faahin:-Burcad hubeysan oo Dil ka geysatay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo oo burcad ahaa oo fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka degaanka degmadaas.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in rag hubeysan oo burcad ah ay wiilka dhalinyarada ahaa ku toogteen xaafada Jamhuuriyah ee degmada Kaaraan, xili uu halkaas ku sugnaa, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Burcada ayaa la tilmaamay inay doonayeen inay dhac u geystaan Wiilka oo ka qaatan Teleefoon gacanta oo uu watay, balse rasaas ayey ku fureen, kadibna Telefoonka ayey ka qaateen, iyagoona goobta ka baxsaday markii dambe.

Qaar kamid ah qoyska Marxuumka la dilay ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Mowliid Cali Maxamed  oo ahaa Mid ka mid ah dhalinyarada degmada.

Dilka Mowliid loo geystay ayaa noqonaya dilkii labaad oo muddo la labo isbuuc gudahood ka dhaca degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayna geysteen burcad hubeysan, waxaana Marxuumka uu  kamid ahaa Ardaydii sannadkii hore ka baxay Dugsiga sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor