Faah faahin: Al-shabaab oo saakay Dagaal kula wareegay Degmada Balcad

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saakay oo khamiis ah ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dad ayaa ku warramay in dagaalkan uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Al-shabaab ay weeraro kusoo qaadeen baraha Koontaroolada Ciidanka dowladda ee Balcad, waxaana intaas kadib dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay inay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad, kadib markii Ciidanka dowladda ee joogay ay dib uga gurteen Magaaladaas.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay oo la wareegay Saldhiga degmada iyo Xarumo kale oo uu ku shaqeynayey Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarkii saaka ka dhacay Balcad, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada oo ay uga hadlayaan weerarka Al-shabaab kula wareegeen degmadaas oo 37 KM u jirta Magaalada Muqdisho.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale dagaalo ku qabsaday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, wallow ay dib uga baxeen markii dambe, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor