Faah faahin:-Agaasimaha Radio Muqdisho iyo SNTV oo Caawa lagu Qaraxiyey Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax xoogan oo fiidnimadii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Wasaaradda Ciyaaraha oo ku taalla degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa siweyn loo maqlay ayaa waxaa la sheegay in gaariga loogu xiray Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika, wuxuuna qarxay xili uu marayay meel ku dhow Wasaaradda Sports-ka.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in gaariga xilii qarxayey uu sanaa Agaasime Cabdicaiis Afrika iyo Agaasimaha Telefashinka Qaranka SNTV Sharmaake Maxamed Warsame, waxaana labadooda soo gaaray dhaawacyo culus

Labada Agaasime ee ka tirsan Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa waxaa dhaawacyadooda si deg deg ah loogula cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo,

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga oo dhan, mana jiro wax gaadiid ah oo halkaas maraya, iyadoona loo diidayo inay gaadiidka maraan wadada.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan qaraxaas Caawa ka dhacay Muqdisho ee gaariga loogu xiray Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, isagoona ku dhaawacmay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor