Faafaahin:- Weerraro ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Suuriya

Laba weerrar ayaa gilgilay waddanka Suuriya, mid waxa uu ka dhacay magaalada Dimishiq halka mid ka kalana uu ka dhacay gobolka Idlib ee ay fallaagada maamulaan, ayaa iskudarkooda waxaa ku dhintay ugu yaraan 27 qof.

Bambaano dhif iyo naadir ah ayaa saaka waxaa lagu weerraray bas milateri oo marayay gudaha magaalada caasimadda ah, waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 14 qof.

Waa weerrarkii dadka ugu badan ay ku dhinteen ee ka dhaca Dimishiq tan iyo 2017-kii.

Waxyar kaddib xilligaasi ugu yaraan 13 qof oo rayid ah — oo ay ku jiraan carruur — ayaa waxaa lagu dilay duqayn milateri oo ka dhacday magaalada Ariixa ee gobolka Idlib, oo ah gobol ay intiisa badan ka taliyaan fallaagada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor