Faafaahin ka soo baxeysa Qaraxii ka dhacay Hotel Jazeera

Inta la ogyahay ilaa 10 Qof ayaa ku geeryootay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa  oo ka dhacay hotelka Jazeera ee Magalada Muqdisho

hotelka ayaa waxaa daganaa diblomaasiyiin   safaaradaha  China iyo Qatar iyo Waziiro ka tirsan dowlada Fedralka Somaaliya  waxaana soconaya gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay hotelka Jazeera ee Muqdisho .

Qaraxan ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobalka Banaadir

iyo deeganada ka agdhow waxaana lagu fuliyay gaari xamuul ah

wadooyinka soo gala hotelka ilaa garoonka diyaaradaha ayaa la xiray

waxaana dadkii ku dhaawacmay loo soo qaaday Isbitaalka Daaru shifa