Eritrea oo lagu eedeeyey iney weerar ku qaadey gobolka Tigreega

Kooxaha mucaaradka Tigreega ee ku sugan gobolka waqooyiga ee dalka Itoobiya, ayaa ku eedeeyey dalka dariska la ah ee Eritrea iney kusoo qaadeen weerar cusub.

Afhayeenka jabhadda wax iska caabinta ee dadka Tigreega, Getachew Reda, ayaa baraha bulshada kusoo gudbiyey in dagaal yahanadooda lagu soo qaadey weerar cusub.

Tani ayaa imaneysa maalmo kadib markii dagaal yahanada Tigreega ay dib uga soo gurteen gobolada kale ee Itoobiya, iyagoo isku soo ururiyey gobolkooda.

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda dabayaaqadii toddobaadkii dhamaadey, in ciidamada dalkiisa ay ka hortagayaan weerar kasta iyo halis kasta oo ka imaneysa dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya, oo ay ka jirto xasilooni darro.

Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaalamayey kuwa Itoobiya, markii uu socday dagaalkii lagala soo horjeeday dagaal yahanada Tigreega, kaasoo qarxey bishii November ee sanadkii 2020-kii.

Dagaalkii markaa bilawdey, ayaa markii danbe u xuub siibtey dagaal sokeeye.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea midkoodna kama jawaabin eedeymaha loo soo jeediyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor