Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka (OIC) danjire Xuseen Ibrahim Taha ayaa Warqadaha aqoonsiga Ergeynimo ka guddoomay Ergeyga cusub dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Ururka (OIC) Ibraahim Aadan Muuse.
Munaasabadda Warqadaha aqoonsiga looga guddoomayey Ergey Ibraahim Aadan ayaa ka dhacday Magaalada Jidda ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaana intaas kadib Xoghayaha iyo Ergeyga dowladda Federaalka dhexmaray kulanka gaar ah.
Kulanka dhexmaray Xoghaye iyo Ergey Ibraahim Aadan ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya Ururka Iskaashiga Islaamka, sidii loo hormarin Istiraatiijiyada uu Ururka ugu tala-galay DFS.
Ibraahim Aadan Muuse oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu marka hore u mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo soo magacaabay, uuna sii xoojin doono xiriirka labada dhinac.