Erdogan iyo labo madaxweyne oo kale oo yeelanaya shir xasaasi ah

Shir saddex geesoood ah oo looga arrinsanayo collaadda Suuriya ayaa la qorsheeyay in uu galinka dambe ee maanta ka billawdo dalka Iiraan.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdugan, ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweyne yaasha Iiraan iyo Ruushka.

Turkiga ayaa sii xoojiyay walaaca ay muujiyeenhay’adaha Qaramada Midoobay ee ah in dagaal dhanka dhulka ah oo lagu qaado magaalada Idlib ee ay gacanta ku hayaan Jabhaduhu in ay keeni karto qaxooti cusub oo badan oo ka soo tallaaba xadka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor