Egeyga Abaaraha iyo Hantidhowrka Qaranka oo ka shiray howlaha Gurmadka Abaaraha

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa looga hadlay siyaabaha xafiiska hantidhorku gacan uga geysan karo habsami u socodsiinta howlaha gurmadka Abaaraha iyo wareejinta caqabadaha maamul iyo habraac ee ka imaan kara Dhanka hayadaha dowladda.

Hantidhowrka qaranka ayaa soo dhoweyn kadib ku bogaadiyay ergeyga dedaallada muuqda ee uu xafiiskiisu ku bixinaayo xaaladda daran ee Abaaraha dalka ka jira isaga oo si gaar ah u xusay mudnaanta wada shaqeynta iyo is ogaalka xafiisyada dhexdooda ah taas oo qeyb libaax ka qaadan karta gaarsiinta Gurmadka iyo samatabixinta dadka tabaaleysan.

Ergeyga ayaa dhankiisa tilmaamay in xiriirnta howlaha gargaarka iyo fududeyntoodu ay qeyb muhiim ah ka tahay howlaha xafiiskiisa, sidaas darteedna uu hayadaha kala duwan iyo howlwadeennada mashaariicda ula taaganyahay in uu ka gacan siiyo culeysyada soo wajaha.

Ergeyga ayaa intaas kadib warbixnno ku aaddan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin mashruuca hurumarinta Biyaha “BIYOOLE” oo ilaa afar Dowlad-gobaleed ka hirgelinaya mashaariic isugu jira biyo qabasho iyo gelin. Mashruuca Baxnaano oo ah mashruuc lagu badbaadinaayo qoysaska aadka u tabaaleysan oo ilaa 143 Malyuun ku kacaaya. Waxaa sidoo kale warbixin laga dhageystay Mashruuca SCRP “Mashruuca kasoo kabashada xaaladaha adag” oo ilaa lix qeybood oo kala duwan leh kaas oo guud ahaa ku kacaaya 187.5 Malyuun.  Sidoo kale Mashruuca SURP oo ka shaqeeya dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha sida dejinta barakacayaasha , dhisidda jidadka, xarumaha iyo wasaaradaha Dowlad-gobaleedyada.

In lagu ballamay wada shaqeyn iyo dardargelin howlaha gurmadka abaaraha ka sokoow waxaa la isla qaatay baahida loo qabo ka shaqeynta sidii xal waara loo gaari lahaa waxaana xafiisyada kala duwan lahaan doonaan kulamo heer farsamo iyo fulin ah.