Qoraal ka soo baxay Dowladda Maali ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday Ninkii isku dayey inuu Madaxweyne Assimi Goyta Tooreey ku dhaawaco Masjid ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Bamako.
Bayaanka waxaa lagu sheegay inuu Eedeysanaha ku dhintay Isbitaal, xilli ay Hay’addaha Ammaanka baaritaano ku hayeen.
“Muddadii lagu hayey Baaritaanada ayuu u geeriyooday Caafimaadkiisa oo ka sii daray” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Dowladda Maali oo sheegtay inay socdaan Baaritaanka waxa sababay geeridiisa.
Lama shaacanin magaca Eedeysanaha iyo xogta ku gedaaman qaabkii uu u geeriyooday.
Talaadadii la soo dhaafay, ayuu Eedeysanahaasi waxa uu Tooreey ku weeraray Madaxweynha Mali, oo isaga xilligaasi Salaadda Ciidul-Adxa ku tukunayey Masjidka Jaamaca ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Bamako.
Madaxweyne Assimi Goyta waa uu ka badbaaday Weerarkaasi, kadib, markii ay Ciiddankiisa Khaaska ka hor tageen Eedeysanaha oo gacanta Midig ku watay Tooreey.