Duufaan ku dhufatay mareykanka oo khasaaro sababtay

Magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka maqan koronatada waxaana shaqeynaya Matoorada oo kaliya iyadoo duufaanta Ida ay ku dhufutay gobalka Louisiana.

Duufaanta Ida ayaa waxa ka dhashay dabaylo xooggan oo xawaare dheeraya ku socda.

Duufaanta waxay keentay dabeylo 150mph (240km/h) markii ay dhulka ku soo dhacday waxaana dadka gobolkaas lagula taliyay inay raadsadaan meelo ay kaga gabbadaan duufaanka dabaylaha xoogan wadata.

Hal qof ayaa ku dhintay daybalaha kaddib markii uu geed ku soo dhacay gurigooda oo ku yaala kaniisadda Ascension, ee aagga Baton Rouge.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in duufaanta Ida ay noqon doonto “mid halis gelisa dadka deegaanka”, iyada oo laga yaabo in burbur aad u weyn ay horseedo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor