Duqii hore ee Muqdisho oo War kasoo saaray xaaladda Hirshabeelle

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, xili ay jiraan tabashooyin ka dhshay Doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar.

Tabid Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay Bulshada ku dhaqan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad dhul iyo danno waddaag ah, isla markaana ay ku hungoobi doonto cid kasto oo isku deyda inay danno siyaasadeed u kala qeybiso.

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa sheegay in Isfahamka siyaassadeedkii ee lagu dhisay dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu udub-dhexaad u yahay wadajirka dadka degan Goboladaas, taasina ay muhiim tahay in la dhowro.

Siyaassiyiinta, ganacsatada iyo Odayaasha dhaqanka Hirshabelle ayuu Taabid ugu baaqay in ay xil iska saaraan xallinta tabashooyinka jira iyo samata bixinta Maamulka, xili uu socdo qorshe lagu xalinayo tabashooyinka ka dhashay Doorashadii Jowhar.

Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Hirshabeelle iyo Cali Guudlaawe ay ka dhaceen Magaalada Baladweyne, sidoo kalena uu dhacay dagaal khasaaro geystay.

Hoos Akhriso Qoraalka uu soo saaray Duqii hore ee Muqdisho.

Soomaaliya waxaa ragaadiyay in masiirka dad, deggaan iyo qaran daab looga dhigo mid qofeed. Waxaa nasiib darro ah in aragtidaa marnaba laga korin oo qaladkii shalay mid ka daran la falkinayo, sixid warkeedaba daa.

Bulshada ku nool Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waa dad dhul iyo dhalyo waddaag ah, waana hubaal in ay ku hungoobi doontaa cid kasto oo isku deyda iney ku kala irdheyso damac siyaassadeed ku dhisan qeybi oo xukun, waxaana mas’uuliyaddeeda qaadaya hoggaanka maanta jooga.

Isfaham siyaassadeedkii lagu dhisay DG Hirshabelle wuxuu ahaa udub-dhexaadka wadajirka HirShabelle, mudanna in la dhowro. Haddaba, waa in dhalanteedka laga baxo oo dhaliisha jirta la dhayo, dadkana la isku soo dumo.

Waxaan ugu baaqayaa siyaassiyiinta ganacsatada, dhaqanka iyo indheer-garadka reer HirShabelle in ay xil iska saaraan xallinta tabashooyinka jira iyo samata bixinta Dowlad Goballeedka HirShabelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media