Duqii hore ee Muqdisho oo War kasoo saaray dilka Guddoomiyihii Garasbaaley

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay geerida Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo Maanta lagu dilay qarax Miino oo lala eegtay.

Yuusuf Madaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku cambaareeyay falka lagu dilay Guddoomiyihii Garasbaaleey Maxamed Abuukar Faarax oo u geeriyooday dhaawac kasoo saaray qarax lagula beegsaday deegaankii uu maamulayey.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed Abuukar Faarax oo laba bil haayay xilka Maamulka deegaanka Garasbaaleey.

“Waxaan si kulul u canbaaraynayaa weerarka diin iyo damiir la’aanta ah ee ay kooxda argagexisada Shabaab ku dileen guddoomiyihii garasbaaleey Maxamed Abuukar Faarax.  Waxaan xanuunka iyo tiiraanyada tacsida la qaybsanayaa ehelka iyo asxaabta” yiri Yuusuf Madaale.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxa lala beegsaday Marxuum Maxamed Abuukar Faarax ee dhaawac markii hore kasoo gaaray u geeriyooday, waxaana sidaan oo kale ay Shabaab qarax ugu dileen Guddoomiyihii Garasbaaley Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka deegaankaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor