Duqeyn iyo dagaal xoogan oo ka dhacay degaan ka tirsan G/Bari

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland iyo Ururka Daacish.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Timirshe oo hootega Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari, waxaana dagaalkaas oo socday muddo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in gelinkii hore ee Maanta ay maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isdhaafsanayeen, isla markaana ay dareen cabsi xoogan, wallow markii dambe dagaalka uu istaagay.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkii ka dhacay ay ka horreeysay duqeyn oo loo maleeynayo inay fuliyeen diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka, taasi oo ka dhacday deegaanka Timirshe, kadibna halkaas ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay inay dagaal la galeen xubno ka tirsan Daacish, in kastoo aan weli la caddeeyn Khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday iyo dagaalka, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro Khasaaro kala duwan.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday goobo ay Gobolka Bari gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ay kaga sugnaayeen Al-shabaab iyo Daacish, isla markaana waxaa weerarada qaarkood ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media